Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada federalka ayaa war ka soo saartay nin Soomaali ah oo ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kaasoo looga shakiyay cudurka Coronvirus.
Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in muwaadinkan Soomaaliyeed uu ka yimid dalka Shiinaha haatana lagu hayo goob gaar ah oo lagu ogaanayo xaaladiisa caafimaad.
Ninkan Soomaaliga ah oo ka yimid dalka China ayaa Addis Ababa ka soo raacay dayuurada Ethiopian Airlines oo ka soo dejisay garoonka Aadan cadde.