Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Ahmed Ciise Cawad ayaa Nairobi kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ka jira xadka iyo sidii labada dal u hagaajin lahaayeen xiriirkooda.
Sida ay warar ku dhow kulankan sheegayaan labada dhinac ayaa waxa ay ka wadahadleen kulanka lagu wado in magaalada Nairobi dhowaan ku yeeshaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kulankan ayaa intiisa badan diirada lagu saaray ajandayaasha shirka labada Madaxweyne iyadoo aan weli la shaacin xilliga ay labada hoggaamiye kulmayaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Nairobi, kaddib markii uu aqbalay martiqaad uu u soo diray Uhuru Kenyatta.
Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo dowlada Soomaaliya ku eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso Soomaaliya,eedeyntaa oo ay dowlada Kenya iska fogeysay.