Jubbaland oo Ciidamo Gaysay xadka Soomaliya iyo Kenya iyo Wararkii u dambeeyay

0

araawiishta Maamulkaas waxa ay geeyay Deegaanka Diif ee Jubada Hoose, isla markaana dhaca Soohdinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Deegaankaan waxa ay ciidamada ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku gaadhaan deegaanno kale oo katirsan Jubada hoose oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida saraakiishu ay sheegeen.

Tallaabada ciidamada lagu kordhiyay ayaa timid, kadib markii shalay gelinkii dambe iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Alshabaab, inkasta oo aan la sheegin waxyeelada kala gaartay labada dhinac.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay in deegaanka ay tagayeen Ciidamada Daraawiishta oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana isla xalay ay sameysteen saldhigyo cusub.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland (Axmed Madoobe) oo ku sugan Magaalada Dhoobley waxa uu wadaa abaabul ciidan, waxaana dhawaan uu sheegay in qorshaha Jubbaland uu yahay gacan ku dhigista Caasimadda Maamulkaas ee Bu’aale.

Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay sameynayay howlgalo ay ku sahminayaan waddooyinka isku xidha degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose, saraakiisha hogaamineysa waxa ay sheegeen in ay ka go’an tahay isku xirka Degmooyinka ay maamulaan ee katirsan Gobolka Jubada Hoose.