Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay dekeda Boosaaso

0

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa uu qarax ka dhacay dekeda magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay afaafka hore ee Dekeda Boosaaso iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada ilaalada dekeda iyo dadweyne kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ku dhintey hal ruux oo rayid ah halka askari kalana uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale qaraxan ayaa geystay khasaaro hantiyeed, isagoo burburiyey guryo iyo gaadiid ka ag dhawaa halka uu ka dhacay.