R/Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baraawe ee gobolka shabeellada Hoose.
Wafdigan ayaa magaalada Baraawe waxaa ay u tagi doonaan sidii ay maanta xariga uga jari lahaayeen dhismo lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada baraawe ee gobalka shabeellada hoose.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in maanta diyaaradaha uga horeysay ee tagaysa magaalada Baraawe ay noqon doonto wafdiga R/Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre
Garoonka diyaaradaha ee baraawe oo muddo saddex sano qaatay dhisamahiisa kaddib markii caqabado shacabka iyo maamulka ku aaddan ay soo kala dhexgaleen ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay dhammeystirka dhismaha.