Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed islaam ( Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kula qaatay saraakiisha ciidanka ee ku sugan magaaladaasi.
Axmed Madoobe ayaa sarraakiisha daraawiishta Jubbaland kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu saraakiisha ciidanka ugu baaqay in ay ka hortagaan cidkasto oo caqabad ku ah maamulka Jubbaland.
Dhaq dhaqaaqyo militari oo is ka soo horjeeda ayaa waxaa uu ka socdaa gobolka Gedo, kaasi oo ay wadaan ciidamada xoogga iyo kuwa maamulka Jubbaland.