Askari Muqdisho Ku Dilay Wiil Gool Dhaliyey Oo Xukun Lagu Riday

0

Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo haysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .