Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed & mas’uuliyiinta maamulka degmada,iyada oo ammaanka si weyn Maanta loo adkeeyey.
Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kuwa Maamulka Koonfur Galbeed & Wafdi ka socda Midowga Yurub oo dib u dhis ku sameeyey garoonka.