Akhriso:-Guddiga Qaban-Qaabada Maalmaha Xoriyadda Baaq Diray

0

Guddiga 60-guurada Xuska Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ayaa Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad Gobolleed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan xuska sannadkan 2020 oo loo aqoonsaday sannad ahmiyad gaar ah leh.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaatan Xuska Xoriyadda iyo Midnimada oo muhiim ah.

Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa waxaa Madaxda Maamul Goboleedyada lagu faray inay magacaabaan Guddiyo ka shaqeeya Xuska Xoriyadda, isla markaana ay u shaqeeyaan sida haatan ay howsha u wadaan oo kale Guddiga ay magacaawday dowladda Soomaaliya.