Wasiiro ka tirsan Xukuumadda soomaaliya oo gaaray Baraawe

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu gaaray Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo  Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

Xubnaha la socda wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xubno kale, iyagoona halkaasi mashaariic kala duwan ka fulin doono.

“Waxaan maanta Safar aan nimid aniga iyo wasiiro ka tirsan XFS,degmada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.