Madaxweynaha Puntland oo kula kulmay Garowe Wakiilka Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey, Wefdi uu hoggaaminayo ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland iyo doorashada soo socota ee 2021 la filayo inay ka dhacdo dalka.

Ambassador James Swan ayaa uga mahad celiyey Madaxda Puntland sida ay u wada Shaqeeyaan,isaga oo ku baaqay in la xaliyo khilaafka jira.

Madaxwyenaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahadeliyey Ambassador James Swan sida uu mar walba uga Shaqeeyo arrimaha horumarka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii looga bixi lahaa xaalada dalka uu ku jiro taas oo uu sheegay in dad badan uu uga jiro mugdi,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in uu yimaado isfaham ku dhisan wadatashi iyo in doorashada waqtigeeda la qabto.