Waxaa magaalada London ee dalka Inrgiiska looga dhowaaqay Urur ka shaqayn doona Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, oo loogu magac daray “MAR KALE MIDNIMO” Islamarkaana diirada saaraya sidii Somaliland ay ula Midoobi lahayd Soomaali inteeda kale, Waxaana Hormuud u ah Aqoonyahano kasoo jeeda deegaanada Somaliland.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah Xidhiidhiyaha Ururkan, ayaa sheegay inuu ku dhisan yahay Ururkan Feker iyo Aragti Abuur ku saabsan Midnimada , Wuxuuna sheegay inay doonayaan Sidii loo heli lahaa Midnimo Macno leh.