Akhriso:-Guddiga Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug Oo La Magacaabay

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu Magacaabay Guddiga qaban-qaada Xaflada Caleema saarka, kuwaasi oo ka kooban 12-xubnood.

Guddigan ayaa waxaa laga sugayaa inay shaaciyaan waqtiga la qabanayo Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.