Maamulka G/Banaadir Iyo Wasaaradda Waxbarashada Oo Kulan Yeeshay

0

Xarunta Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda wasaarada waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka waxbarashada gobolka Banaadir.

Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo 3-bilood ee soo socota ka shaqeyn doono da’dajinta sidii wasaarada waxbarashada ay usoo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeenta xafiiska waxbarashada gobolka Banaadir.

Inta uu kulan socday waxyaabihii la isku fahmay waxaa kamid ahaa in maamulka gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-daad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo snaad dugsiyeeskan ugu horeyso.