Hogaanka sare ee Ahlusunna Waljamaaca ee dhawaan isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu amar ku bixiyay in Koontaroolada laga soo galo Xaruntii Inji ee Dhuusamareeb in la dhigo Ciidamo, isla markaana la xiro qof walba oo galeysa Xarunta iyo cadda kabaxeysa, iyadoona sidaas lagu xiray dad badan oo shacab ah.
Sidoo kale qoaalka uu soo saaraya Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Ahlusunna ay fuliyeen Ciidamo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwii loogu talagalay inay dagaal la galaan Al-shabaab ayna tababareen dalalka Mareykanka iyo Turkiga.
Waxaa kaloo qoraalka Ahlusunna lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo inay joojiyaan xasuuq ay sheegeen in dowladda ay ku heyso shacabka deegaanada Galmudug iyo Balad-xaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Jubbaland.