Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Duqeyn Lagu Dilay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo howl-galka Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen Ciidamada wada jira Shabeelaha Hoose ay ku dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab.

Shantii Maarso, 2020 dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn Cirka ah la beegsadayxubno ka tursan Al-Shabaab oo ku sugnaa nawaaxiga Kuunya Barrow ee Soomaaliya.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in uusan jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaasi dhanka cirka ah.

Maalmihii u dambeeyey diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.