Wargayska The Star oo kamid ah wargays yada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa wariyay in dowladda Mareykanka ay cadaadis xoogan ku saareeso dowladda Soomaaliya sidii ay hoos ugu dhigi lahayd xiisada kala dhaxeeso dhigeeda Kenya.
Wargayska ayaa sheegay in ilo lagu kalsoon yahay ay u soo wariyeen in hawlgalka Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee Africom uu faragalin ku sameeyay Soomaaliya, isagoona amar ku bixiyay in lajoojiyo dagaalka u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Khilaafka dowladda dhexe kala dhaxeeyo maamulka madaxwayne Ahmed Mohamed Islam Ahmed Madoobe ayaa lasheegayaa in ay qayb katahay waxyaabaha sare usii qaadayo xiisada ka dhaxeeso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay kusoo xad gudubtay madax banaanida Soomaaliya taas oo ay Kenya iska fogeesay.
Prof Peter Kagwanja, oo ah khabiir darsada siyaasada afrika si dhawna ula socda xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa wargayska The Star u sheegay in shaki la’aan tahay in dowladdo shisheeye ay gadaal ka taagan yihiin xiisada ka dhaxeeso labada dal.
“Waa run in ay jirto faragalin shisheeye oo ka imaanayso wadamada reer galbeedka waana midaas tan loo sheegay Soomaaliya, ayuu hadlkiisa sii raaciyay Prof Kagwanja.
Wadasheekaysigii dhawaantan ay qadka taleefanka kuwada yeesheen madaxwayynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenya, ayaa warbaahinta Kenya waxa ay ku warameesaa in ay ka danbeesay dowlada Mareykanka oo amartay in labada madaxwayne ay xiriir yeeshaan.
Xiisada u dhaxeeo Kenya iyo soomaaliya oo tan iyo horaantii sanadkii aynu kasoo gudubnay sare u sii kaceesay ayaa waxa ay sii labada jibaarantay markii 2’dii bishan dagaal uu duleedka degada Beledxaawo gaar ahaan meel u dhaw magaalada mandhera uu ku dhaxmaray ciidamo daacad u ah wasiirka amniga jubbalnad a.rashiid Janan oo baxasad ka ah dowladda faderaalka iyo ciidamada dowladda iyadoona Kenya lagu eedeeyay in weerarkaasi ay ka qaateen qaar kamid ah ciidameeda.