AKHRISO:- Coronavirus oo laga helay Gobolka Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota

0

Kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ayaa laga helay Gobolka Somalida ku badan tahay ee Minnesota dalka Mareykanka, sida Hawlwadeenada Caafimaadka u sheegeen Warbaahinta dalkaasi.

“Waxaa jira hal kiis oo la xaqiijiyay oo ah cudurka coronavirus (COVID-19) ee gobolka Minnesota” Waxaa sidaasi yiri Sarkaal ka tirsan Waaxda Caafimaadka.

Qofka kiiska laga helay waa nin waayeel ah oo weyn oo deggan degmada Ramsey.

Bukaanka ayaa la sheegay inuu kali lagu haayo guriga uuna soo kabanayo.

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay sheegtay inay wali sugayaan xaqiijinta CDC-da, laakiin in “saraakiisha caafimaadka ay tixgeliyaan natiijada ka soo baxda baaritaanada.