Maxkamadda ciidamada oo la soo taagay xubin ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybtayda darajada koobaad ayaa soo gabgabeesay eedo loo heesto ruux la sheegay in uu ka tirsanyahay Dagaalamayaasha Daacish dilna u geystay askari katirsanaa ciidanka ilalaada deegaanka.

Eedsanahaan ayaa lagu magacabaa Maxamaed cali Maxamed Faraax waxana uu askari katirsanaa ciidanka minashiibiyada uu ku dilay degmada wartanabada gaar ahan suuqa siinaay
Askariga uu dilay eedesanahaan ayaa maxkamada magaciisa waxa ay ku sheegtay alle hauna xariistee Maxamuud cabdi dhuxolow.
Ku xigeenka xeerilaaliyaha maxkamada ciidamada Muumin xuseen abdulaahi ayaa maxkmada ka hor sheegay natiijada baarista eedesanahaan

Xeer ilaaliyaha qaranka Generaal Cabdullaahi buula kameey ayaa maxkamada ka dalbaday in Maxamed cali Maxamed lagu xukumo dil toogasho ah madaama si aan kambad laheen oo u dilay askari katirsan ciidanka ilalalada deegaanka.

Gudoomiyaha maxkmada ciidamada qalabka sida G/sare Xasan cali Nuur shuute ayaa so gabagabeeyay maxkamada isaga oo sheegay in maalmaha soo socda ay ku dhawaai doonaan go,aanka Maxkamadda.

Maamlmihii udanbeeyay maxkmaadda ciidamada ayaa sare u qaaday xukunada ay ku rideyso xubnaha lagu eedeeyo in ay katirsanyihiin Al-shabaab iyo xubno kale oo burcad ah.