Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in Ciidanka Dowladda oo kaashanaya Saaxiibada Mareykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen Xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Qoraal ay soo saartey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsaday deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana lagu diley Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Majiro warar madax banaan oo xaqiijinaya warkaan kasoo baxay Dowladda Soomalaiya,hayeeshee waxaa Ciidanka Dowladda iyo Mareykanka ay dhowr jeer duqeyn la beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.