SAWIRO:- Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Masjid qadiimi ah

0

Dhismaha Masjidka Taariikhiga ah ee Jaamacadda Shangaani waxaa la hirgaliyay 800-Sano ka hor sida ay sheegeen culumada iyo odeyaasha Degmada Shangaani waxa uuna Masjidkaan kamid yahay goobaha taariikhiga ah ee dalka ku yaala gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Inkastoo dhismaha masjikan uu ku burburay rabshadihii dalka ka dhacay ayaa waxaa dib udhis ku sameeyay oo kafaala qaaday maamulka gobolka Banaadir waxaana si rasmi ah dhismaha Masjidka Jaamacadda Shangaani xariga kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee XFS si ay ugu cibaadeystaan bulshada Caasimadda.

Xarigjarka kadib ayaa masuuliyiintan wax ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu masjidkan ka kooban yahay, qeybaha ay kormeeren waxaa kamid ah dhismaha masjidkaan uu kasii hooseeyo ama ka hoos dhisan Masjidkale oo dhismihiisa la hirgaliyay in ka badan 800-Sano ka hor.