Kenya oo ciidamo dheeraad ah keentay Mandheere

0

Kadib markii Madaxweynaha dowladda Kenya Uhura Kenyatta uu dowladda Soomaaliya Ku eedeeyay in ciidamo badan ay geysay xadka ay wadaagaan labada dal ayaa waxaa soo baxaya in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Kenya ay soo buux dhaafiyeen magaalada Mandheere.

Dhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka shacabka ah ee Ku nool magaalada Mandheere, iyagoona ka cabsi qaba in dagaal culus uu halkaasi ka dhaco.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in maamulka Jubbaland ay ciidamo kale geysay magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Magaalada Mandheere ayaa ka taagan xiisad colaadeed, taasi oo ka dhalatay, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamo uu wato ay Ku sugan yihiin magaalada Mandheere, xili ay dowladda Soomaaliya ay doonayso in gacanta Ku soo dhigto wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland uu dagaal culus Ku dhexmaray inta u dhexeysa Magaalooyinka Mandheere iyo Beledxaawo, iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.