Muqdisho, Soomaaliya— Hooyo Markabo Iimaan Aaadan ayaa fariin mahadcelin iyo mid farxadeedba isugu dartay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, maadaama Maxkamadu dadaal xoogan ku bixisay sidii ay dib ugu helo la heyd gurigeeda oo in muddo ah ka maqnaa.
Hooyo Markabo ayaa sheegtay in muddo 77 sanno ay uu gacanteeda ka maqnaa gurigeeda, balse waxay carabka ku adkeysay in ugu dambeyn, Maxkamadda Gobolka ay dib ugu soo celisay furaha gurigeeda.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayee uga mahadcelisay Guddoomiye Muuse Macalin Maxamed, sida uu Xafiiskiisa uga shaqeeyay cadaallad siinta qoyskeeda.
Waxaan u mahadcelinayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay dib iigu soo celiyeen gurigeyga oo in muddo ah iga maqnaa”, sidaasi ayee tiri Hooyo Markabo.
Dhiniciisa, Guddoomiye Muuse Macalin Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamadda Gobolka Banaadir ka go’an tahay cadaalladda siinta Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale uu xusay in aysan jiri doonin shaqsi hantidiisa xooga looga heysto inta ay shaqeyneyso Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Si-kastaba, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan sidan oo kale siyaabo kale hantiidooda dib u siisay Muwaadiniin Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniib ah oo qaarkood ka soo kala jeeda Dalalka Syria iyo Tajakistaan.