DAAWO:-Baarlamaanka Jubbaland Oo U Codeeyay Codsi Uga Yimid Axmed Madoobe

0

Barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay codsi ka yimid Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo ah in muddo kordhin labo bilood ah loo siiyo madaxwaynaha si uu soo dhiso golahiisa wasiirada cusub ee Jubbaland.

Dhammaan xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.