Al-Shabaab iyo kooxda Macawiisleyda oo xalay ku dagaalamay gobolka shabeellada Dhexe.

0

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa  xalay waxaa uu deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan  ku dhexmaray Kooxda  Macawiisleey iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii  Kooxda Macawiisleey ay weerar ku qaadeen saldhigyo  Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo ka socday deegaankaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan.