Waxaa maanta lagu wadaa in dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyo shir ay halkaas ku leeyihiin madaxda ugu sareysa Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Shirkaan ayaa la sheegay in qodobo laga soo saari doono, kuwaas oo Madashu ay ku muuji doonto mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka kusoo wajahan, iyadoo wararka aan ka heleyno ay sheegayaan in ay soo saari doonaan go’aano ka dhan ah madaxda dalka.
Qodobada ku xusan go’aanada ka soo baxaya shirka Madaxsha Xisbiyada Qaran uga socda Turkiga waxaa la sheegay in ay ku qotomaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka dhici doona sanadka nasoo aadan ee 2021-ka.
Xubno ka qeyb gelaya shirkaas oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa noo sheegay in shirkan lagu soo hadal qaaday waxa ka hir galay balamihii ay wada galeen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib kulan dabayaaqadii sanadkii hore ku dhex maray madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale xubnahan ayaa noo sheegay in shirka Madasha lagu soo hadal qaaday sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka dhex aloosan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe.