DAAWO:- Kenya oo ku eedeysay Dowlada Soomaaliya inay ku soo xadgudubtay

0

Qoraal ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku soo xadgubeen madaxbanaanida iyo sharafta dhuleed ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa qoraalka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Golaha Amniga Qaranka dalkaas ay maanta kulan ka yeesheen eedeyn uu horey Kenya ugu jeediyey safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan iyo weerar ay sheegeen in ciidanka Soomaaliya ay kusoo qaadeen qaranimada dalkaas.

“Xadgudubka lagu soo sameeyay dhulka Kenya waxa uu dhacay 2dii bishan March 2020.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamo daacad u ah dowlada federalka iyo ciidamada Jubbaland ayaa maalinkaas dagaal ku dhex maray xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.