Ciidanka Dowladda Turkiga ayaa burburiyay fariisimo ciidanka Suuriya ay ku lahaayeen Magaalada Idlib ee dalkaas, Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in howlgalkaas lagu burburiyay 8 diyaaradood oo Helicopter ah diyaarad Drone ah iyo 100 gaadiidka Taangiga ah oo ay lahaayeen ciidanka Suuriya.
Sidoo kale waxaa ay warbaahinta Turkigu sheegtay in 2000 oo askarta dowladda Suuriya ah lagu dilay howlgalkaas waxaana ay arintaasi ka dambeysay markii Idlib lagu dilay maalmo ka hor 34 ka tirsan ciidanka Turkiga.
Weerarka Khasaaraha dhaliyay uu Turkiga u geystay Suuriya ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor dowladda Turkiga 33 askari duqeyn dhinaca cirka ah lagaga dilay Gobolka idlib.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay Jawaab ka bixin doonaan weerarkaas Askarta looga dilay, iyadoona Maanta uu weerar ka fuliyay Suuriya.