DHAGEYSO:-Isbadal Amni Oo Laga Dareemayo Gobolka Hiiraan

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee gobolkaasi.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in gobolka laga dareemayo isbedal ballaaran oo dhinaca amniga iyo cadaaladda ah, islamarkaana ay taasi ku timid wada shaqeyn guud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ku dadaalayaan, sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada iyo xasiloonida gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.