Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee dhowaan la geeyay degmadaas iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaano u dhow Beledxaawo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka.
Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa degmada Beledxaawo duleedkeeda dhaq dhaqaaqyo ka waday Ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Janan oo bilo ka hor ka soo baxsaday dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka ayaa dhowaan la wareegtay gacan ku heynta maamulka saddex degmo oo kala ahaa Luuq, Doolow iyo Beledxaawo oo hoostagayay Maamulka Jubbaland, iyadoo la geeyay Ciidamo diyaarado looga qaaday Muqdisho.