Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ka dhacya duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Dowladda kenya ee ku sugan Xaduudka dalkaas.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo ahna kusimaha Guddoomiyaha Cismaan Nuur Xaji Macalimow oo ka hadlay Idaacadda BBCda ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay Ciidamada Kenya ka qeyb qaateen,iyaga garab siinaya Ciidamada Maamulka Jubbaland.
In kastoo warra madax banaan oo xajiininaya aysan jirin hadana waxaa uu ugu baaqay dowladda Kenya inay joojiso faragelinta ay ku heyso Gobolka Gedo oo uu ku eedeeyey inay dagaalkii Maanta ka qeyb qaateen.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in weli rasaas goos ah la maqlayo,isla markaana Ciidamada Dowladda ay ku dhawaadeen Xaduudka Kenya ee Magaalada Mandheera.