Xildhibaanada Waqoyi Bari Kenya oo beeniyay in la xirey kana hadlay booqashadoodii Muqdisho

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari ayaa beeniyay in la xirey waxayna ka warbixiyeen booqasho qarsoodi ah ay ku tageen magaalada Muqdisho caasimada Soomaliya.

XIldhibaanadan oo 11 gaaraya lagana soo doorto Mandhera,Wajeer iyo Garissa oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay booqashadooda Muqdisho ay la xiriirtay sidii dowlada Soomaliya ay ugala hadli lahaayeen ammaanka maadaama dhib badan uu kajiro gobolka Waqoyi Bari Kenya.

“Waxaan la kulanay Madaxweyne Farmajo waxana aan ka wadahadalnay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari Kenya.”ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sheegay inuu ka warqabay safarkooda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayna la kulmeen dhamaadkii bishii hore,uuna ka codsaday inay wax walba sameeyaan sidii nabad loogu heli lahaa.

“Waxaad ka warqabtaan in illaa saddex kun oo macalimiin ah ay ka tageen gobolka Waqoyi Bari iskuuladana ay xiran yihiin marka sidii arrimahas loo xalin lahaa oo ammaanka loo sugi lahaa ayaan u tagnay Muqdisho.”ayuu sii raaciyay xildhibaan ka hadlayay booqashada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa ku celceliyay in warka sheegayo in Nairobi lagu xirey uu yahay been abuur ayna xaq u leeyihiin inay meel walba inay tagaan.

“Madaxweyne Farmaajo waxa aan ka soo helnay talooyin wanaagsan oo labada dal ammaan ku heli karaan,waxana uu sidoo kale uu noo sheegay in dowlada Kenya iyo maamul goboleed uusan xiriir dhex mari karin, haddii Kenya ay wax uga baahan tahay Soomaaliyana waa inay dowlada federalka la soo xiriirtaa.”ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaanadan ayaa ugu dambeyntii sheegay inay booqasho ku tegi doonaan gobolka Waqoyi Bari kadibna ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya Uhuru si ay talo uga siiyaan sidii ammaanka gobolka loo sugi lahaa.