Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ee golaha wasiirada, kaasi oo looga hadlay arimo ay ka mid yihiin is-xog wareysi la xiriira howlaha wasaaradaha iyo ka hortaga Musiibooyinka ka dhasha fatahaadaha.
Sidoo kale, shirka waxaa warbixin kooban looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha,Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle usoo bandhigay daraasaad ay wasaaradu ka sameysay ka hortaga qataraha fatahaadaha.
Maadama lagu jiro xili jiilaal ah lagama maarmaan ay tahay in laga hortago fatahaado dhaca sida kuwii dhacay sanadkii hore wasaarada beeraha ayaa golaha la wadaagtay muhiimada ay leedahay in laga howlgalo oo caro bixin lagu sameeyo wabiga dhexdiisa taasoo muhiim ah xalna u ah ka hortaga fatahaado dhaca.
Sidoo kale kulanka waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka,isagoo ka warbixiyay heerka uu marayo cudurada shuban biyoodka ah ee ka dilaacay qeybo badan oo ka mid ah magaalooyinka HirShabeelle.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in daawooyin ka hortaga shubanka ah ay gaarsiiyeen cusbitaalada Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xarumo dadka shubanka uu soo rito ay ka hirgeliyeen deegaanada Hirshabeelle.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay dad ku dhow 495-ruux oo uu soo ritay cudurkaan loo fidiyay adeeg caafimaad sidii todobaadkii hore ay xaaladu ahaydna ay hadda ka wanaagsan tahay.