Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka warbixiyey xaalada maamulka iyo qorshaha uga degan caleema raasrka Madaxweyne Qoor-Qoor.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay la heshiiyeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, dhawaana ay shaacin doonaan qodobada ay ku heshiyeen labada dhinac.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay qabsoomi doonto xaflada lagu caleema saaraayo madaxda sare ee maamulka Galmudug, isla markaana ay ka soo qeyb galayaan Madaxweyne Xaaf iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.
Dhanka kale Cali Daahir Ciid madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in askartii Ahlu-Sunna ee maalin ka hor Dhusamareeb kula dagaalamay ciidamada dowladda ay biiri doonaan ciidamada maamulka Galmudug.