Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed caqabada ka jirta kaliya ay ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana degmooyin badan ay go’doomiyeen.
Waxaa u sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu xiligaan u baahan yahay in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka u xiran Al-Shabaab oo uu sheegay inay saameyn ballaaraan ku yeesheen degmooyinka Koonfur Galbeed qaarkood.