Odoyaasha KGS oo maanta Soo Xulaya Baarlamaanka 2-aad iyo Shuruudo la hordhigay.

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxaa maanta ka bilaabaneysa Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedkaas.

Qaar kamid ah Odoyaasha soo beelaha ee soo xulaya Xildhibaanada waxa ay Mustaqbal u sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay ay wadeen kulamo ay kaga tashanayaan shaqsiyaadka Mudan kuraasta baarlamaanka iyo shuruudaha ay hordhigayaan ee lagu kala saarayo.

Waxa ay intaa ku dareen in dad ay ku jiraan Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ay isku soo taageen qabashada kuraasta, balse waxa kaliya ay ka baaraandegayaan ay tahay sidii beelaha ay ugu soo saari lahaayeen qof ku matala Golaha Wakiilada.

“Odoyaasha howsha ay hayaan mas’uuliyad weyn ay ka saaran in ay keenaan Xildhibaan ka shaqeyn kara danaha dadka ay kasoo jeedaan, waxa aan wakiil ka nahay Beesha, waa in aan ku matalnaa Rabitaankooda una dooqnaa shaqsiga mudan” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay mid kamid ah Odoyaasha.

Dhanka kale waxaa lasoo saaray 10-Shuruud oo laga doonayo qofka u tartamaya ama ku haminayo in uu kamid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad KGS.