DHAGEYSO:-Hoggaamiyeyaasha ASW oo isu-dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

0

Xerada Inji ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dagaalamayeen ciidanka ASW ayna ku jireen madaxda sare ee ASW ayaa gashay gacanta ciidanka dowladda Soomaaliya kaddib dagaal socday 7 saacadood kaas oo xalay 10:00pm kabilowday magaalada isalamarkaana dhammaaday 5:00Am, dagaalka waxaa kadhashay  khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka dowladda ee kusugan xerada 21aad madax katirsan Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa dalbaday  gelinkii dambe ee habeenka Sabtiga in loo ogolaado in ay galaan gacanta sargaal katirsan ciidanka dowladda oo markiisii hore katirsanaa madaxada ciidanka ASW.