Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.
Taliyaha Guutadda 15-aad Gen Mascuud Maxamed ayaa gacanta ku haya Madaxda Ahlusunna ka dib markii ay isku dhiibeen.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.
Sheekh Shaakir "Amnigeena waxaan ku wareejinay oo masuul ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya
Slået op af Ilawadaag Tv i Fredag den 28. februar 2020