AKHRISO:- WHO oo digniin cusub kasoo saartay caabuqa coronavirus

0

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiimeyn ay ku sameysay caabuqa coronavirus ku tilmaantay inuu khatar sare ku hayo dunida.

Waxa ay sheegtay in weli ay jirto fursad wax looga qaban karo caabuqa haddii laga hor istaago faafitaanka.

Agaasimaha WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale sheegay in cabsi iyo xog khaldan oo xanuunka ku saabsan ay yihiin cabaqadda ugu weyn ee ay tahay in wax laga qabto.

In ka badan 50 dal ayaa haatan soo weriyay kiisas caabuqa coronavirus ah.

Shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Geneva, ayaa Dr Tedros wuxuu ka sheegay in inta badan kiisaska wax laga qaban karo, isla markaana aa wax caddeyn ah loo heyn in caabuqu uu si fudud ugu dhex faafayo bulshada.

Guud ahaan dunida, in ka badan 80,000 qof ayaa la xanuunsan cudurka Corona kaas oo Shiinaha ka bilowday bishii Disembar.

Cudurkan oo ku dhac neef mareenka ayaa waxaa haatan u dhintay dad gaarayo 2,700 qof.