AKHRISO:- Wasiirka Maaliyada Bayle oo la kulmay Agaasimaha Hay’ada IMF Kristalina

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.\

Wasiirka ayaa sheegay in Dhammaan Caalamka iyo IMF aan u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.

Dhowaan ayaa Bangiga Adduunka waxa uu ku dhowaaqay in uu dib u soo celiyay xiriirkii uu lahaa dowlada Soomaaliya kadib soddon sano oo aysan wax xiriir ah ka dhexeyn.