200 oo qof ayaa Iiraan ugu dhimatay Corono Fayras!

0

Ilo-xogeed kamid ah Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa u sheegay BBC Faarisi in tirada dhimashada guud ahaan Waddanka  ee dadka uu ku dhacay Xannuunka Corono Fayras ay gaartay 210 qof, inta badan dadka u dhintay xannuunkani waxa ay kamid yihiin dadka ku nool caasimadda Dahraan iyo magaalada Qum oo laga helay Kiisaskii ugu horreeyey ee Fayraska “Covid-19”.

Tiradan ayaa 6 goor ku jibbaaranta tiradii dadka u geeriyooday Corona Fayras ee ay wasaaradda Caafimaadku shaacisay maalinkii JImcaha taas oo gaarey

Kiyanosh Jihanibor af-hayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa carrabka ku dhejiyey in tirada dadka u geeriyooday Corona Fayras ay tahay 34 qof, waxa uu ku dhalliilay BBC in ay tahay hay’ad faafisa beenta iyo Wararka aan jirin.

Xubin katirsan Baarlamaan-goboleedka Qum ayaa ku eedeeyey xukuumadda Iiraan in ay qarineysa tirada saxda ah ee dadka u geeriyooday Corona Fayras, Mareykankuna waxa uu sheegay in uu ka welwelsan yahay in Iiraan aanay wada sheegin dhammaan macluumaadka ay hayso.