War qoraal ah oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa ka digtay in weeraro argagixiso ay ka dhici karaan caasimada Kenya.
qoraalka safaarada ah ayaa lagu sheegay in goobaha la beegsan karo ay ka mid tahay yihiin, hoteelada waaweyn xarumaha dalxiiska iyo Suuqyada Ganacsiga.
Safaarada Mareykanka ayaa dhanka kale ku boorisay dadka rayidka ah ee tagaya goobahaasi in digniin dheeri ah ay Muujiyaan.
“Weli lama ogaan hotel-ka weerarka lala damacan yahay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay hotel caan ah oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha iyo dadka safarada ganacsi ku socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka Kenya weeraro Argagixiso ay ka dhacayeen sanadihii ugu Danbeeyay.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka ayaa sheegtay mas’uuliyada Weeraradaasi.