Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qaadeen dadka shacab ah oo ku sugnaa gobolkaasi.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka jiic boore oo ku dhow deegaanka saaxqurun oo katirsan gobolka Mudug, iyadoona halkaasi ay deganaayeen qoyska weerarka lagu qaaday.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, halka midkalana uu ku dhaawacmay weerarkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka
Sababta ka dambeysay arintan ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay aanooyin qabiil oo maal mahan ka taagnaa gobolka Mudug.
Dadka dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Xoolo Dhaqato Reer Guuraa ah,
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Mudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan weerarka ka dhacay gobolkaasi.