Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay dil ka geysteen degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in shaqsiga la khaarijiyey uu ahaa askari ka tirsan Ciidamadda dowladda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo kasoo baxay dhanka Laamaha ammaanka ee xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo falkaas sheegatay ayaa xustay in ruuxa ay beegsatay uu ahaa gudoomiyaha laanta Tabakaayamadow.

Magaciisa ayaa waxay ku sheegtay Muuse Guuleed.

Falalka khaarijinta ah ayaa xiliyadda qaar ka dhaca magaala madaxda waddanka, waxaana ciidamadda ay ku howlan yihiin sidii loo yareyn lahaa.