DHAGEYSO:-Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal ka dhex qarxay dowladda iyo Ahlu-Sunna

0

Dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda federalka Somalia iyo kuwa ururka Ahlu-Sunna, ayaa ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, inkasta oo la sheegay in haatan dagaalka Guriceel uu yara hakaday wixii ka dambeeyay 2-dii Duhurnimo.

Dagaalkan oo bilawday xalay abaaro 10 kii habeenimo ee xiliga Geeska Africa, ayaa inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Sidoo kale in ka badan 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, qaar ka mid ah dhaawacyadaasi ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho.