Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay Maanta so bandhigeen Ciidamo iyo Saraakiil ay sheegeen inay kamid ahaayeen Ciidanka Jubbaland balse kusoo biiray kuwa Dowladda.
Saraakiishaan iyo Ciidamada oo qaarkood Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in habeen ka jor laga keenay degmada Dhoobleey,isla markaana la geeyey Magaalada Mandheera loona sheegay inay cadaw la dagaalamayaan,isla markaana la geeyey Magaalada Xaduudka ku taalla ee Mandheera.