Dagaal Kale oo ka dhacay Guriceel iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Dagaal kale oo u dhexeeya Ciidamada dowladda DFS iyo Ahlu-Sunna uu ka billowday magaalada Guriceel, Kadib markii Koox hubeysan oo ka tirsan Ahlu sunna ay weerar kusoo qaadeen saldhigga Booliiska Magaalada Guriceel Gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in koox hubeysan ay weerar ku qaaday Saldhigga, xili ay ku sugnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan DF-Soomaliya, Waxaana Jira Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo kala gaadhay labada dhinac, waxaana la maqlayaa rasaasta ay isweydaarsanayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Weerarka lagu qaaday Saldhigga Guriceel ay hogaaminayaan saraakiil katirsan Ahlu Sunna oo horay ugu mid ahaa Maamulka Ahlu sunna kahor inta aan Ciidamada Dowladda loo gacan gelin Ammaanka.

Ciidamada Nabad Sugidda Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guud ahaanba la wareegay Amniga Saldhiga Booliska ee la weeraray, Waxay sidoo kale Wax la qabtay iyo wax ay dileen ka dhigeen Maleeshiyaadkii Weerarka kusoo Qaaday Saldhiga, Waxayna sheegeen inay Maxkamad soo taagi doonaan kuwa lasoo khalday, sida ay hadalka u dhigeen.