Culimada Mandheera oo ka digay dagaal saameyncku yeesha Magaaladaasi

0

Guddi ay ku mideysan yihiin Culimada Magaalada Mandheera ayaa kulan ka yeeshay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ay kawada wadaan DFS iyo Jubbaland ee ka kala taagan Mandheera iyo Balad Xaawo oo daris ah.

Waxa ay soo jeediyeen in Ciidamada Jubbaland iyo Wasiirka Amniga Maamulkaas oo ay la socdaan laga saaro Magaalada Mandheera, taasina ay tahay xalka kaliya looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Magaaladooda.

Sheikh Cabdullaahi Xuseen Buulle oo kamid ah Madaxda Imaamyada Mandheera oo kulanka ka hadlay waxa uu sheegay in Ciidamo uu wato Cabdirashiid Janan ay saldhigyo ka sameysteen inta u dhaxeysa Magaalooyinka BB1 iyo Mandheera, balse Dowladda Kenya ay iska indha tireyso sidii ay u saari lahayd.

“Waxaan cambaareyneynaa in ciidamada militeriga ah ee kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya in ay meeshaas noo fadhiyaan, mida kale ciidamadaas ninka hoggaamiya waa nin adduunka dhan uu isku waafaqay in uu yahay nin dad dhibaateeyey, marka nin aduunka dhan uu raadinaayo in Magaaladeena Mandheera lagu dhex haayo waa sharci darro” ayuu yiri Sheekh Cabdullaahi.

Dowladda Kenya waxaa saaran Cadaadis kaga imaanaya Qaybaha kala duwan ee Mandheera, waxaana salka uu ku hayaa sidii Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Ciidamada la socda looga saari lahaa Magaaladaas.

Maamulka Magaalada Mandheera, dhawaan waxa uu sheegay in aanu suurta gal noqoneyn in Dowladda Kenya ay cabasho ka keento Xaaladda Amni ee Gobolka Waqooyi Bari iyo in ay ku sugnaadaan Ciidamo hubeysan oo Soomaali ah oo isaga kala gudba Soohdinta labada Dal.