Faahfaahino dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya iska horimaad Caawa Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ururka Ahlusunna.
Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii baabuur ay lahaayeen ciiidamada Ahlu Sunna uu xoog ku soo dhaafay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Galmudug
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaaa Allgalgaduud u xaqiijiyay in aysan jirin cid wax ku noqotay Iska horimaadka.
Xaaladda Magaalada ayaa hadda degan,waxana istaagtay rasaas goos goos ah oo muddo ka socotay Magaalada.