Maamulka Jubbaland ayaa Cutubyo katirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Beledxaawo.
Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay xasilooni iyo daganaansho ku soo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii la soo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah.
Ciidanka oo ka baxay magaalada dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.